Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo War kasoo saaray Gurmad ay u fidiyeen Dadkii saarnaa Doontii ku Qalibantay Webiga Shabeelle

Kooxda Alshabaab ayaa shaaciyey inay badbaadisay dad ka mida rakaabkii la socday Doontii ku gadoontay Webiga Shabelle ee ka baxday degmada Afgooye.

Doontan ayaa ahaley gelinkii dambe ka baxday degmada Afgooye iyadoo ku sii jeeday  degmada Janaale ee isla Sh/hoose, waxayna ku qalibantay agagaarka Degaanka Bariire, iyadoo shilka loo aaneeyay xawaare ay ku socotay iyo rar badan oo saarnaa.

Alshabaab ayaa sheegtay in Doonta ay  saarnaayeen dad ku dhow 20 ruux oo 13 ka mid ah ay ahaayeen rag halka todobada kale ay ahaayeen dumar iyadoo ay ku dhinteen hooyo iyo caruur ay dhashay.

Alshabaab ayaa sheegaya inay u gurmadeen dadkii Doonta la gadoontay ayna soo badbaadiyeen 18 qof oo ka mida rakaabkii Doonta, iyadoo la waayey laba qof oo kala ah hooyo iyo canugeeda.

Wararka aya sheegay in Haweeney la waayey uur laheyd iyo gabadheeda oo lagu sheegay inay ahayd 13 sano jir. Waxaana kasoo badbaaday 13 rag ah iyo 5 dumar ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON