Kooxda Alshabaab oo war kasoo saaray qarixii lagu dilay maanta guddoomiyihii deganka Garasbaalley ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa miino ee lala beegsaday.
War ay soo saaray Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay inay Qaraxaasi mas’uul ka ahaayeen xubno ka tirsan Alshabaab oo beegsaday C/raxman Garyare oo bar tilmaameedkuna isagu ahaa.
Alshabaab waxay sheegatay inay qaraxa ku dishay Guddoomiyaha Garasbeelley iyo saddex askari oo ilaalo u ahaa, kadib qaraxa loo dhigay marii ay kasoo laabteen salaadii Khudbada Jimcaha.
Dhinaca kale guddoomiyaha G/Banaadir ayaa ka qeyb galay aas magaalada Muqdisho loogu sameeuay guddoomiyihii degaana Garasbaalley iyo askartii la dhimatay.


