Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Kiiska Ikraan Tahliil. “La-yaab ayey nagu noqotay in “NISA’ nagu masabido..”

Al-shabaab ayaa soo saartay Wararka ayaa sheegaya cad oo ay ku sheegtay inaysan wax lug ah ku lahaun afduubka iyo dilkii kraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd sarkaaiisha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA.

Warka kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu yiri: “Kama danbeyno, waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay’adda NISA, la-yaab ayey nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay”.

Alshabaab ayaa sidoo kale shaacisay in inay beegsanaa madaxda iyo saraakiisha hay’adda sirdoonka, ayna u yihiin bartilmaameed, balse ay sheegtaan dilkooda, oo aysan jirin cid ay uga heybeystaan, balse aysan wax shaqo ah ku lahaun afduubkeeda iyo dilka gabadhaasi.

“Haddii shaley dadka muslimiinta ay raafayeen oo xabsiyada ka buuxinayeen, qaarna si bareera u dilayeen, maantana waxaad aragtaan in xitaa kuwii iyaga dad ugu dhawaa ee u shaqeynayey ay kusoo jeesteen oo inta afduubtaan dilaan hadana ehelladii dadkaas ku jeesjeesaan. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay ubadkiina ka ilaaliya inay u shaqeeyaan maamulada noocaas ah” ayuu lagu yiri warka Alshabaab.

Arrintan ayaa sii xumeyneysa kiiska Ikraan Tahliil oo mugdi badan hareeyay, waana markii ugu horeysay ee dadka Soomaaliyeed aysan awoodin inay kala saaraan wararka kasoo kala baxay Hay’adda NISA Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON