Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Wareysi la sheegay in lala yeeshay Afhayeenkooda

Alshabaab ayaa beenisay wareysi la sheegay inuu Wargeyska ‘La Repubblica’ ee dalka Talyaaniga kasoo baxa la yeeshay Afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Sheekh Cali Dheere), kaasoo ku saabsanaa madax furasho laga qaatay sii deynta Silvia (Caa’isha) Romano oo ah gabar Talyaani ah oo afduub loogu heystay Soomaaliya.

Wareysiga ayaa lagu sheegay in Afhayeenka Alshabaab uu sheegay inay malaayiin doolar oo ah madax furasho ah ka qaateen haweeneydaasi oo diinta islaamka qaadatay intii lagu heystay Koonfurta Soomaaliya, lana baxday Caa’isha , lacagtaas oo lagu soo iibin doono Hub si jihaadka loogu sii wado.

War kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in wareysiga uu yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana aanu jirin wareysi uu bixiyey Sheekh Cali Dheere ama uu siiyay Wargeyska La Repubblica.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON