Wednesday, July 16, 2025

Alshabaab oo War yaab leh kasoo saartay Dhaqtar ay ku dishay Magaalada Muqdisho (Akhriso)

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda nin dhaqtar ahaa oo xalay lagu dilay xaafadda Dabakayo Madow, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay xoogagga taabacsan ka danbeeyeen dilka C/llaahi (Dr. C/llaahi Yusuuf- Suudaani), waxayna Alshabaab sheegatay inuu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Sirdoonka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta loo yaqaan Dhar-cadka.

Warka Alshabaab ayaa ka yaabiyey dad badan oo yaqaan dhaqtarka iyo ehelkiisa, iyadoo dhaqtartka dhalinyarrada ah oo si weyn looga yiqiin xaafadda Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley, uuna dibadda wax ku soo bartay , balse ka howlgeli jiray farmashiye.

Hore ayey Alshabaab ugu dileen Degmada Dharkeynley dad kala duwan oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin sirdoonka dhar-cadka ah ee dowladda, waxaana ka mid ahaa Oday Moos ku iibiya Suuqa Boocle.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON