Afhayeenka Alshabaab ayaa si degdeg u beeniyay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in 81 ka mida Alshabaab lagu dilay weerar ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.
Afhayeenka Howlgallada Alshabaab ee howlgallada C/casis Abuu Muscab ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warka dowladda Federaalka, isla markaana aanu wax weerar ahba ka dhicin degmada Jilib.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ay qarineyso guuldarrooyin milateri oo soo gaaray ciidamadeeda, una bareertay been qayaxan, isagoo sheegay in gobolka Jubadda Dhexe aanay wax weerarro ah ka dhicin.
Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta soo saaray war ku saabsan in warshada waxyaabaha qarxa lagu farsameeyo ee Alshabaab ku lahayd Jilib lagu dilay 81 maleeshiyo, laguna gubay gaadiid dagaal.
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la burburiyay Xaruntii Qaraxyada Alshabaab iyo 80 lagu dilay