Wararka laga helayo magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in maleeshiayda Alshabaab ay caawa weerar ku qaadeen magaalada oo rasaas laga maqlayo.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada, waxaana weerarka kadib rasaas culus is weydaarsaday ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabab, waxayna dadka magaalada sheegeen inay maqlayaan rasaas xoog leh oo dhaceysa.
Maanta ayaa la sheegay inay Alshabaab isku dayeen inay weerar kedis ah ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada, kaasoo dib loo celiyey, iyadoo weerarka caawa uu yahay mid rogal celis ah.
Ma cadda qasaaraha ka dhashay weerarka caawa oo weli socda, iyadoo aanay wax war ah kasoo saarin saraakiisha ciidamada dowladda.