Ra’iisal wasaaraha oo Baydhaba kulan kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Q/Midoobay & Bankiga Aduunka

Ra’iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulankiisii labaad magaalada Baydhaba kula yeesahy xubno ka socda Beesha calaamka oo uu hoggaaminayey kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka xukuumadda Soomaaliya, wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wadaaraha, madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyo xubno ka mida wasiirrada Koonfur Galbeed, waxaana looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka, Nabadda, Qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta Mashaariic horumarineed.

Ad

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay Qorshaha xukuumadiisa iyo dadaallada ay ugu jirto in mashaariic la gaarsiiyo degaanada uu booqday ee Galmudug iyo K/galbeed. oo u baahan mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,498FansLike
1,256FollowersFollow
3,421FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!