Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Alshabaab weerar cusub saaka ku qaaday degaanka Caato ee Gobolka Bakool oo u dhow xuduudka Itoobiya.
Weerarkan ayaa yimid iyadoo Maleeshiyo badan oo Alshabaab ka mida ay isku urursadeen duleedka magaalada Caato, halkaaso oo ay booqdeen maalmihii ugu danbeeyay madax ka tirsan Alshabaab, waxaana dagaalka saaka qarxay kasoo baxay warar kala duwan.
Saraakiisha dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay ka hortageen weerarka Alshabaab, ayna dib u riixeen, iyadoo la gaarsiiyey qasaare xoog leh, balse aanay faahfaahin.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay in weerarka ay saaka aroortii ku qaaday Caato ay cagta ku marisay saldhigii ciidanka ee Liyu Booliska, isla markaana ay qasaare weyn gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa halkaasi.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in dagaalka saaka uu ku bilowday hubka culus, isagoo socday muddo 2 saac ka badan, isla markaana gebi ahaan ay Alshabaab la wareegeeny saldhigii ciidamada Liyuu boolis ee deegaanka Caato.
Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka cusub ee ka dhacay Caato ayaa sheegaya inuu dhaliyey qasaare badan oo labada dhinac ah, waxaana hadda soo baxaya wararkii ugu horeeyay oo madax bannaan.
