Friday, July 4, 2025

Alshabaab oo weerar culus ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Mandera

Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka Alshabaab ayay la beegsatay Guriga uu degan yahay Guddoomiyaha Mandheera CalI Roba,  iyadoo wararku sheegayaan in lagu dilay qof, isla markaana dhaawac ka soo gaaray dhowr qof oo kale.

alshabab kenya2Dagaalka ayaa socday  muddo daqiiqado ah, wuxuuna dhex maray ciidamada booliska Kenya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiye Cali Roba ayaa sheegay in ilaaladiisa ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday oo uu sheegay in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab. Wuxuu intaas ku daray in  in muddo la dagaalamayeen  Al-Shabaab.

Weerarka ay Alshabaab ku qaaday guddoomiyaha Mandheera ayaa ka mid noqonaya weerarko is daba joog ah oo Alshabaab la beegsaneyso gudaha Waqooyi Bari ee Kenya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON