Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus oo qarax is-miidaamin ah ku bilowday ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku yaalla gobolka xeebta ee Lamu.
Sida warbaahinta Kenya sheegyso saldhigga la weeraray ee ciidamada Kenya ku leeyihiin degaankaasi ayaa lagu magacaabo Camp Simba, waxaana ka howlgala ciidamo Mareykan ah, waana saldhigu dhow xeebta. Dadka degaanka ayaa soo weriyey in Qaraxyo ka dhaceen saldhiga, kadibna ay rasaas ka bilaabatay.
Al-Shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegtay inay weerarka qaadeen, isla markaana ay qeyb ahaan qabsadeen saldhigga, oo ay isticmaalaan ciidamada Kenya ah iyo kuwo Mareykan ah,.
Weerarka ayaa dhacay saaka aroortii, waxaana afhayeenka ciidamada Kenya Col. Paul Njuguna uu sheegay inay ka hortageen weerar lagy doonayey in saldhigga ay ku galaan argagixisada, halkaasi lagu dilay 4 ka mida kuwii weerarka qaaday.
Alshabaab ayaa sheegtay in dagaal uu weli ka socdo gudaha Saldhigga, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan in ilaa 4 diyaradod lagu gubay weerarka, waxaana dab qabsaday haamo shidaal, iyadoo la arkayo qiiq hawada isku shareeray.