Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo weerar culus ku qabsatay degaanka Buulogaduud & Wararkii ugu danbeeyay

Maleeshiyada Alshabaab oo saaka weerar culus ku qaaday degaanka Buula gaduud ee duleedka Magaalada kismaayo, iyadoo la wareegay muddo saacado ah.

Weerar ku bilowday qaraxyo iyo ismiidaamin ayaa aroortii ay hore boqolaal maleeshiyo ah ku qaadeen fariisinka Buulogaduud, waxaana la soo weriyay inay  si buuxda u qabsadeen, halkaasoo qasaare baaxad leh ay ka dhacday.

Saldhigga ay qabsadeen Al-Shabaab ayaa waxaa ku sugnaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubba ayay Alshabaab  sheegatay inay ku dileen 20 askari, iyadoo aanay jirin war kasoo baxay dhinaca maamulka Jubbaland.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay isga baxeen Buulogaduud, saacado ay heysteen kadib.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON