Wararka laga helayo gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshbaab ay weerar kedis ah ku qaadeen suuqa xoolaha Mahadaay.
Weerarkan oo saaka dhacay ayay dagaalamayaashsa Al-shabaab la beegsadeen ciidamo canshuur ka qaadayay suuqa xoolaha Mahadaay, halkaasoo Jimacaha xoolo badan lagu kal iibsado, waxaana lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo dhowr qof oo ciidamo iyo shacab isugu jira ku dhaawacmeen.
Dagaal muddo kooban socday oo dhex maray labada dhinac ayaa keenay in lagu kala cararro suuqa, waxaana istaagay ganacsigii socday, iyadoo ciidamo gurmad ah ay goobta gaareen isla markaana kooxdii weerarka soo qaaday ee Alshbaab isaga baxeen halkaasi.