Wararka laga helayo degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal kedis ah uu duleedka magaalada ku dhex maray ciidamada AMISOM oo kolonyo la socday iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday.
Weerarka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay miino dhulka ugu aaseen ciidamada AMISOM, kadibna markii qaraxu qabsaday ay weerar ku qaadeen.
Qasaaraha labada dhinac ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalamay.
Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed (Xuseen Jeex) ayaa sheegay in dagaalka la isaga caabiyay kooxda Alshabaab oo qasaare la gaarsiiyay.
Goobjooge.com