Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo weerar kedis ah ku qaaday saldhiga AMISOM ee duleedka Diinsoor

Weerar gaadmo ah ayaa la sheegay inay kooxda Alshabaab xalay ku qaaday saldhig ciidamada AMISOM ee Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka ku leeyihiin duleedka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, halkaasoo aag laga difaaco magaalada ahayd, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar.

shabab

Maleeshiyada Xarakada Al-shabaab ayaa weerartay  fariisinka Buush Madiino ee duleedka degmada Diinsoor, lama shaacin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan, saraakiisha dowladda ayaase sheegay in Al-shabaab ay dib ugu celiyeen oo qasaare gaarsiiyeen.

Taliyaha ciidamada xoogga ee degmada Diinsoor Xasan Aadan Yarow ayaa sheegay  in ciidamadooda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaankii lagu dagaallamay, islamarkaana ay wadaan wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmadaasi.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON