Sunday, August 3, 2025

Alshabaab oo weerar ku qaaday Beledxaawo & Nabadoon caan ah oo ay gowraceen [Faahfaahin]

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay xalay weerar ku galeen xaafad ka tirsan Degmada Beledxaawo, iyadoo halkaasi ku gowracay nabadoon caan ah, isla markaana watay laba wiil oo uu dhalay.

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xilli danbe xalay weerar ku galay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxayna gurigiisa ku gowraceen nabadoon lagu magacaabi jiray Dhaqane Qaasim Amiin, iyagoo Guriga ka kaxeystay laba wiil oo uu dhalay oo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay sii daayeen.

Nabadoonka la gowracay ayaa taageersanaa maamulka Jubbaland ee magaalada ka taliya, waxaana la sheegay inuusan wax dagaal ah ka dhicin magaalada, marka laga reebo rasaas ay fureen ciidamad taabacsan Jubbaland oo ku sugan qeyb kale oo ka tirsan magaalada.

Al-Shabaab digniin u jeedisay isla markaana go’doomisay degmada Beledxaawo, kadib markii maamulka degmadaasi ay ka saareen degmada  Xaasaska Al-Shabaab iyo carruurtooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON