Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo weerar ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Mudug iyo maleeshiyo looga dilay

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Jiicdheere oo u dhow Bacaadweyne, Gobolka Mudug.

Weerarkan oo xalay xilli dambe dhacay ayaa la sheegay in Alshabaab ay qabsadeen degaanka Jiicdheere, balse markii danbe ay gurmad ku tageen maleeshiyada degaanka iyo Ciidamada qeybta 21-aad oo dagaal looga saaray degaankaasi.

8 qof oo 5 shan ka mida ay ka tirsanaayeen Maleeshiyada Alshabaab iyo 3 qof oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalka ka dhacay degaanka Jiicdheere, ee Koonfurta Gobolka Mudug oo hoostaga maamulka Galmudug.

Alshabaab ayaa sii kordhisay weerarrada ay ku qaadeyso degaanada Galgaduud iyo Mudug ee Maamulka Galmudug, waxaana dagaallo culus ay dhex mareen dadka degaanka oo u abaabulan iska caabinta Alshabaab iyo ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON