Maleeshiyo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab ayaa saaka waeberigii weerar ku qaaday Bas rakaab ah oo marayay inta u dhaxeysa Ceelwaaq Mandhera iyo degaanka Kotulo, waxaana weerarkaasi ku dhintay laba ruux iyadoo lagu dhaawacay saddex kale, sida uu sheegay ku xigeenka guddoomiyaha Mandhera Julius Oteino.
Weerarka oo dhacay 7 subaxnimo ayaa kooxda geysatay la sheegay inay baxsadeen, waxayna mas’uuliyiinta degaankaasi beeniyeen in Baska la afduubtay. Dableyda ayaa la sheegay in dadkii baska saarnaa ay u kala saareen Muslimiin iyo Kirishtaan, iyadoo la sheegay inay diideen dadkii Baska saarnaa in la kala saaro sida uu sheegay Guddoomiyaha Mandhera Cali Roobow.
Lama oga xaqiiqada arrintan laakin Cali Robow ayaa sheegaya in rakaabka Baska ay dableyda u sheegeen inay wada dilaan ama sii daayaan taasoo ku qasabtay inay degdeg uga baxsadaan goobta. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo gaareysa 200 ay galeen maalmihi ugu danbeeyay dalka Kenya iyagoo ka tallaabay Soomaaliya.
Goobjooge.com