Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar ku qaaday degaanka xeebta dalkaasi ee Lamu.
Alshabaab ayaa la sheegay inay weerarkaasi ku dileen labo sarkaal oo ka mida Booliska dalka, laguna dhaawacay saddex kale markii weerar kedis ah loogu galay jidka u dhaxeeya magaalooyinka Lamu iyo Mombasa ee dalka Kenya.
Saxaafadda Kenya ayaa sheegtay in saraakiisha Booliska Kenya ay shegeeen in weerarkaasi ua ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab, waxaana saraakiisha la dilay ay gelbinayeen Gaadiid dadweyne markii gaarigii ay wateen lagu weeraray.
Taliyaha Booliska Xeebta Kenya ayaa sheegay in Cidankan iyo Gaadiidka ay galbinayeen ay dagaalka kula kulmeen degaanka Lango La Simba ee Nyongoro waxaa iska shil galay oo rogmaday mid ka mida gadiidka dadweynaha.
Alshbaabka weerarkan qaadya ayaa xirnaa dharka ciidakada Kenya, waxaaba qof ka mida rakaabka uu sheehgay inay moodayeen Ciidamo Kenyaan ah, laakiin markii ay rasaasta billaabeen ay ogaadeeny inay Al-shabaab yihiin.
Ciidamada Kenya ayaa gurmad u tegay degaankaasi, waxaana la sheegay in diyaaradhaa helikobtarka ah ay baacsadeen dableyda alshabaan ee weerarka soo qaaday.