Saturday, June 28, 2025

Alshabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaala Mandera, Kenya iyo Qasaaraha ka dhashay

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab ay weerar ku qaadeen degaanka  in Arabia ee Mandera.

Weerarkan ayaa dhacay saaka aroortii, waxaana lala beegsaday saldhiga Booliska iyadoo lagu burburiyay xaruntii isgaarsiineed ee Shirkadda Safaricom, waxaana halkaasi ka jira isgaarsiin la’aan.

Guddoomiye ku xigeenka Mandhera Eric Oronyi ayaa saxaafadda Kenya u sheegay inaysan wanaagsaneyn xaaladda degaankaasi oo wax isgaarsiin ahna aanay jirin, isla markaana ciidamo dheeraad ah loo diray.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyada weerarka soo qaadya ay gubeen gaari ay Boolsiku leeyihiin, waxaana la sheegay in qasaare kasoo gaaray ciidamada Booliska Kenya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON