Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saaka aroortii lana wareegtay degaanka Deynuunaay oo u dhow Magaalada Baydhabo.
Weerarka Alshabaab iyadoo uu shalay halkaasi ku soo dhammaaday shirkii Amniga Qaran ee madaxda Soomaalida ayaa wararku sheegayaan inuu dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo Alshabaabka weerarka soo qaaday.
AlShabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaanka Deynuunay, ayna qasare gaarsiiyeen ciidamada dowlada iyadoo gacanta ku dhigay Saanad Millitari, laakiin maamulka K/Galbeed ayaa sheegay in weerarka la iska caabiyey.
Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay weerarka ka war hayeen, ayna uga baxeen degaanka, balse markii ay gudaha u galeen lagu bilaabay dagaal, weliba uu dagaalku socdo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay inuu weli socdo dagaal goos goos ah ayna labada dhinac is weydaarsanayaan rasaasta culus, iyadoo qasaare xoog leh laga cabsi qabo inuu halkaasi ka dhacay.
Ma jiro war dhexdhexaad ah oo ka hadlaya qasaaraha ka dhashay dagaalkan, wuxuuna ka mid yahay weerarrada ay sii kordhiyeen kooxda Alshabaab bishan ramadaan.