Saturday, June 28, 2025

Alshabaab oo Weerar Nooc cusub ah Caawa ku qaaday Afgooye & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in weerar culus ay ku soo qaadeen dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.

Weerar oo maqribnimadii caawa kadib dhacay ayay Alshabaab ku qaadeen Saldhigyada ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye, iyadoo rasaas culus iyo hubka waaweyn ay labada dhinac is-weydaarsadeen.

Dagaalkan ayaa socday muddo ka badan 30 daqiiqo, iyadoo isu socodka dadka iyo gaadiidka ay istaageen, xaaladda degmada Afgooyena isu bedeshay goob dagaal.

Weerarka ayaa ahaa mid nooc cusub ay oo kooxda Alshabaab ay iska dhigeen dad shacab ah, iyagoo qarsaday hubka ay wateen, waxayna wataan gaari Mini Bus ah {HOMEY}, iyadoo la sheegay inay uga degeen meel u dhow Saldhiga Booliska Afgooye, kadibna ay weerar qorsheysan la beegsadeen.

Qasaaraha dagaalkan ayaa hadda uun soo baxaya, iyadoo la sheegay in  dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyay. Dadka degaanka ayaa sheegaya in 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarkaasi iyadoo qaar kale nololsha ku watay.

Ciidamo fara badan ayaa caawa tegay degmada Afgooye iyadoo xaaladda amaanka si weyn loo adkeeyay. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda, iyo maamulka K/Galbeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON