Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo weerar saacado qaatay ku qaaday Koontaroolada Degmada Afgooye & Wararkii ugu danbeeyay..

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar laba geesood ah ku qaaday koontroolada ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Weerarka hore ayaa ka dhacay baraha ciidamada Mukayga, halka midka labaad ka dhacay Buundada yar, waxaana xalay saqdii dhexe hareeyay degmada Afgooye rasaas xoog leh iyo hub ay labada dhinac is-weydaarsanayeen, waxaana uu dagaalku dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay ku dhinteen 3 qof oo shacab ah oo rasaastii ay is-weydaaraday ay galaafatay, waxaana saraakiisha ciidamada ee degmada Afgooye ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab ayna ka dileen 3 maleeshiyo.

“Mujaahidiinta ayaa xalay saqdii dhexe weeraro lagusoo afjaray saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Murtadiinta ka fuliyay degmada Afgooye ee Sh/Hoose” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lag sheegay inay xalay weerareen lana wareegeen saldhigyada kala ah Mukeyga iyo Haanta dheer, iyagoo soo furray gaari, sedax qori AK 47, isla markaana ku qafaashay hal askari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON