Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo weerarkii labaad ku qaaday degaanka Bariire & iska caabin ay kala kulmeen Danab

Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar xoog leh xalay saqdii dhex ku qaaday degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose oo ay dhowaan la kal wareegeen ciidamada dowladda.

Weerarka oo ahaa kii labaad oo Alshabaab ku qaado ayaa jihooyin kala duwan ka dhacay, waxaana la isu adeegsaday hubka waaweyn iyo kan fudud, iyadoo ciidamada Milateriga iyo kuwa Danab ay iska caabiyeen weerarka dibna u riixeen maleeshiyadii Alshabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ee Degaanka Bariire ayaa sheegaya inay xaaladu degan tahay, kadib weerarkii cuslaa ee xalay Alshabaab ku qaadeen, laakiin ma jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyey qasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON