Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo weerarkii ugu horeeyay bisha Ramadaan ka fulisay Muqdisho

Qarax is miidaamin ah iyo weerar is daba socda ayaa saaka lagu qaaday Dugsiga Hoose/Dhexe ee Shubis oo xarun u ah ciidamada Nabad-sugidda ku leeyihiin degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

SHIBIS-XARUNTA

Weerarkan oo kooxda Alshabaab ay sheegatay inay ka dambeysay waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay degaankaasi ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Afhayeenka Alshabaab ayaa laga soo xigtay inay xarunta la beegsadeen gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa kadibna ay weerar ku galeen gudaha.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in weerarka oo dhacay aroornimadii saaka in qaraxa kadib uu dagaal dhex maray kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidama Dugsiga ilaalada ka ahaa oo muddo socday, iyadoo dableyda weerarka soo qaaday aanay ku guuleysan inay gudaha u galaan xaruntaasi.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee Alshabaab ka fuliso magaalada Muqdisho bishan ramadaan, iyadoo hore ugu hanjabtay inay dardar gelin doonto weerarada ay ku qaadeyso xarumaha dowladda federaalka.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegay inay ka hortageen oo fashiliyeen weerarka  kooxda Alshabaab ku qaadeen Dugsiga Shibis, weli sooma bixin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkani.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON