Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab weerarro ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobollada Sh/Hoose yo J/Hoose.
Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimaha ciidamada dowladda ku leeyihiin Ceel-saliini iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, iyadoo taliyaha ciidamada Dhulka ee Milateriga Somalia uu sheegay inay iska difaaceen weerarka, ayna Alshabaab ka dileen tobaneeyo maleeshiyo.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Afmadow ee Gobolka Sh/Hoose, waxayna dadka degaanka sheegeen in weerarka oo muddo kooban socday aanu dhalin wax qasaare ah markii dib loo waabiyey maleeshiyadii Alshabab.
Alshabaab ayaa sheegtay in weerarka degmada Afmadow iyadoo aan faahfaahin ka bixin qasaaraha ka dhashay.