Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo xukun Ramji ah ku fulisay Haweeney Nikaax la’aan dhashay Canug iyo Ninkii oo la karbaashay

Maxkamadda Alshabaab ee degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa fulisay xukunno rajmi ah (Dhagax-ku-dilis) iyo 100 karbaash oo lagu fuliyey laba qof oo la sheegay inay si xaaraan ah canug isugu dhaleen.

Kiiskan ayaa kasoo bilowday markii ciidamada Alshabaab degaanka Marmaro ee u dhow Tuulada Booco oo hoos timaada, degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan kasoo qabteen Nin iyo Haweenay u sheegay inay kasoo laabteen magaalada Gaalkacyo oo ay isla aadeen, halkaasina ay isugu galmoodeen iyagoo nikaax la’aan ahaa, sidaasina ay Uur ku qaaday haweeneydii, kadibna ay dhashay wiil, kaasoo geeriyooday.

Garsooraha Alshabaab ayaa sheegay inay jawaab ka dalbeen Khadar Faarax Cabdi iyo Gurmad Faarax Afrax oo falkaasi lagu soo eedeeyay, ay qirteen inay nikaax la’aan isu galmoodeen, iyagoo jooga Gaalkacyo oo xiriir shukaansi ka dhaxeeyay, Gurmad ayaa sidaasi ku dhashay wiil markii danbe dhintay, haddana ay doonayeen inay isku mehersadaan dhulka Alshabaab.

Maxkamadda Alshabaab ayaa haweeneyda Gurmad Faarax Afrax ku xukuntay Xad Sino ah oo ah in dhagax lagu dilo, maadaama ay hore guur u soo martay, halka Khadar Faarax Cabdi lagu xukumay 100 karbaash iyo in la masaafuriyo, waxaana xukunka labadaas qof lagu fuliyey degaanka Booco ee Gobolka Hiiraan.

Fulinta xukunkan ayaa shalay ka dhacay barxad ku taalla degaanka Booco oo u dhow magaalada Beledweyne ayaa ka mida xukunnada dhifka ee noocan oo kale ah, ayna fulisay Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON