Maxkamadda Alshabaab ee magaalada Jilib ee Gobolka J/Dhexe ayaa khamiistii xukuno Xad Zino ah iyo Tuugnimo ku fulisay saddex qof oo lasoo kala eedeeyay.
Xukunka hore ayaa lagu fuliyey Cilmi Khaliif Maxamed oo la sheegay inuu qirtay inuu ku kacay gogoldhaaf Sino ah, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo afar Qaalin oo lo’ ah (Meherul Misli), 500 doolar oo ah bikaaradii iyo 100 karbaash oo lagu fuliyey, loona raacinayo, masaafurin sanad ah, madaama aanu guur soo marin.
Xukunka labaad waxaa lagu fuliyey Caasho C/qaadir Cumar oo qiratay gogoldhaaf sineysi ah, waxaana lagu dhuftay 100 karbaash, iyo sanad masaafurin ah, waxaana la sheegay inaysan guur hore usoo marin.
Xukunka saddexaad oo xatooyo ah qiraal, waxaana Gacanta Midig laga gooyey Siidii Muxyadiin Cabdi oo alaabo ka baday goobo ganacsi iyo inuu celiyo hantidii uu xaday.
Alshabaab ayaa degaanada ay ka talisa ka fulisa xukunka shareecada iyo xadka ah, iyadoo xukuumadda intooda badan ay ku dhacaan qaab qiraal ah.
