Sunday, April 11, 2021

XOG: Xaqiiqada Dhulka Dugsiga Hoyga Xamar ‘Ex. Xamar Sare’ (Yaa lahaa, Yaa laga iibiyey, Yaase heysta..?)

Waxaa muddo dheer dood ka taagneyd dhul ku yaalla Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, agagaarka KM4, oo hadda uu degan yahay Dugsiga Hoyga Xamar, waxayna xaalada dhulka halkii ugu sareysay gaartay 26-kii Bishan Febraayo 2021.

Ciidamada Booliska oo heysa Amar Maxkamadeed ayaa howlgal dumiS ah ka fuliyey qeyb ka mida Dugsiga oo loo xukumiyey dad shacab ah oo iibsaday, taasina waXay dhalisay qeylo dhaan ay soo farageliyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaanA goobta tegay Taliyaha Booliska oo cudurdaar bixiyey. (AKHRISO)

Haddaba Goobjooge.net waxay u kuurgashay xaaladda dhulkan la isku heysto, in dhulku yahay Dan guud, cidda heysta ee difaaceysa, ciddii lahayd, dadka iibsaday iyo xukunka maxkamaddu gaartay, waxaana soo baxay xaqiiqooyinka soo socda:

Ad

1- Dhulkan asalkiisu wuxuu ka mid ahaa (32) Boos waxaa la bixiyey sanadkii 1959-kii oo Talyihii ciidamadii Booliska Gen. AUN Maxame Asbhir uu sanadkii 1966 u qeybiyay Saraakiishii Ciidamadii Booliska ee Dowladii Daakhiliga, waxaana dadkii dhulkaasi la siiyey ka mid ahaa saraakiil caan ah sida: Jen. Maxamed Ceynaanshe, Maxamed Cali Dacar, Siyaad Barre iyo kuwa kale.

Naqshadda dhulka waxay muujineysaa 3 boos oo kal duwan inuu ku fadhiyo xilligan Dugsiga Hoyga Xamar

2- Dhulka hadda Hoyga Xamar waxaa asalkiisa la siiyey Maxamed Cali Dacar, kadibna waxaa yeelatay dowladda Sacuudiga oo ka dhigtay iskuul Tadaamun. Dhulkan oo Loto Lambarkiisu tahay (32) waxaa qarameysay dowladii Kacaanka oo dan guud ka dhigtay, kadibna wxuuu noqday Dugsiga Sare ee Xamar (Xamar Sare). Dagaaladii kadib waxaa halkaasi qabsaday dad shacab ah oo ka dhigay Dugsiga Hoyga Xamar, sida uu hadda yahay.

3- Dhulka ku xiga ee Looto lambarkiisu yahay (31) wuxuu magaciisa kusoo baxay Jen. Maxamed Ceynaanshe, wuxuuna bishii April 1968 ka iibiyay Xasan Aadan Wadaad-diid, dhulkan oo dhinaca Galbeed ka xiga, isla markaasina saaran dhulka Dugsiga Hoyga Xamar (Ex. Xamar Sare) waxa hadda lahaa dhaxaltooyada Xasan Wadaad-diid, dacwad ayaa ka socota oo weli soo shaac bixin. (Waxaa dhulkan isku balaariyey Dugsiga Hoyga Xamar).

- Advertisement -

4- Dhulka Loto lambar 30, wuxuu magaciisa kusoo baxay C/qaadir Xasan (Mafiito) 1959, waxaana lagu wareejiyey sanadkii 1965. Dhulkan waxaa leh dhaxaltooyada caruurta C/qaadir Xasan waxana wakiil u ah Eng. C/qaadir Aadan Cadde oo uu dhalay madaxweynihii hore oo ay qaraabo yihiin reerka leh dhulka. Wuxuuna ahaa dhul bannaan oo derbi ku wareegsan yahay. Waxaa dhulkan qabsaday nin lagu magacaabo Bashiir Ciise Maxamuud.

Dhulkan waxay September 2019 Qoyska lahaa ee Dhaxaltooyada C/qaadir Xasan ka iibiyeen Nin lagu magacaabo Qaasim Faarax Warsame oo dacwad ka furay Maxkamadda Gobolka Banaadir si looga qaado ninkii heystay ee Bashiir Ciise Maxamuud oo sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha Hoyga Xamar, dhulkuna ka tirsan yahay Dugsiga oo dan guud ahaa.

Baaritaan kadib Maxkamadda G/Banaadir waxay maarso 2020 u xukmisay dhulkan Qaasim Faarax Warsame oo ka iibsaday qoyska C/qaadir Faarax, waxaana arrinta baaray Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo Wasaarada Waxbarashada ka dalbaday inay caddeyn u keento danguudnimada dhulkan, iyadoo aysan wasaaradu keenin wax caddeyn ah.

Maxkamadda G/Banaadir oo ku qanacday sharciga ay heystaan dadka iibsaday dhulkan ayaa dacwad dhowr jeer u qaaday Ninka heystay Dhulkan ee Bashiir Ciise iyo Wakiilka ninka iibsaday, waxayna Garyaqaanka Guud ee Dowladda iyo Maxkamadda G/Banaadir cadeyeen inuu leeyahay Qaasim Faarax, laguna wareejiyo, sidaasina kusoo baxay Amar fulinta Maxkamadda ee ciidamada Booliska dhaqan geliyeen 26 Febraayo 2021, balse ay joojiyeen madaxda sare ee dowladda.

- Advertisement -

MAXAA ARRINTA SOO GELIYAY MAAMULKA HOYGA XAMAR

Dugsiga gaarka loo leeyahay ee cusub ee hadda loo yaqaan Hoyga Xamar, waxaa maamulka C/raxmaan Yuusuf Maxamuud (Dhagey) wuxuuna heystaa waraaqo ay qoreen agaasimeyaashii Wasaaradda Waxbarashada ee kala danbeeyay oo sheegaya inuu sii heyn doono, dadkana wax ku baro Dhulka Dugsiga Sare ee Xamar, laakiin ma jirto wax caddeynaya dhulka danta guud ee Dugsiga iyo cabirkiisa oo Wasaaradu la timid ama ninka haya keenay.

Dhulkii Dugsigii Sare ee Xamar wuxuu ahaa dugsi maalinle ah oo lahayn hoy ay ardaydu seexato, laakiin xilligan Dugsiga Hoyga Xamar waa dugsi balaaran oo leh hoy ay ardaydu seexato, wxuuuna hadda sida muuqata isku fidiyey laba boos oo kale oo dad shacab ah lahaayeen ilaa hadaana caddeyn loo waayey inay dan guud looga qaaday marka laga reebo Faafintii Rasmiga ahayd L. 5 sanadkii 1979.

Booska ay iska iibiyeen dhaxaltooyada C/qaadir Xasan ee uu iibsaday Qaasim Faarax Warsame kama mid ahayn dhulka Hoyga Xamar 2019 ka hor, waxaana si gaara u heysay Bashiir Ciise, lakiin waxaa lagu balaariyey oo qolal la seexdo laga dhigay, laguna qoray magaca Dugsiga kadib markii ay Dacwadda bilaabeen dadkii lahaa.

Waxaa muuqata in maamulaha dugsiga Hoyga Xamar C/raxmaan Yuusuf uu difacayo Dhulkan uu Danta guud ku difaacayo oo ah Booska saddexaad ee hadda arrintiisa lagu jiro, si ay dhibaato u noqoto in loogu yimaado Booska labaad ee dhaxaltooyada Xasan Wadaad-diid oo isna la iibsaday, dacwadiisuna socoto.

KAALINTII DOWLADDA EE MAQAN

Kiiskan Dhulka la isku heyso haddii dhinaca dowlada laga eego waxaa ka maqan kaalinteedii ahayd inay caddeyn u keento Dhulka Dugsigii sare ee Xamar, taasoo aan la isku heysan inuu dan guud yahay. Wasaaradda waxbarashada ayaa ahayd dhinaca kala saari kara dacwadan, halkii uu magaceeda dhulka ku difaaci lahaa qof shacab ah.

Garyaqaanka Dowladda wuxuu weydiistay Wasaaradda Waxbarashada inay soo caddeyso dhulka la isku heyso inuu yahay dan guud, taasoo aan dhicin. Dhinaca kale waxaa la hayaa dhammaan dokumentiyadii uu dhulkan kusoo baxay, inta boos ee ay ahaayeen iyo dadkii lahaa.

SHAKIGA JIRA IYO BAARISTA LOO BAAHAN YAHAY.

Shaki kuma jiro in dadka hadda magaca dowladda ku heysta dhulkaasi ay shaqsiyaad waxbarashada ka ganacsada yihiin, laakiin waxay wadaan wixii ugu haboonaa ee lagu qaban lahaa oo ah inay caruur wax ku bartaan. Wasaaradda Waxbarashad iyo dowladu waxay awoodi waayeen inay muddo 10 sano ku dhow xadeeyaan Dhulka Dugsigan, ayna xal ka gaaraan ama heshiis cad oo kiro bixin ah la galaan dadka heysta.

Baarista kiiskan ka harsan ee la doonayo in la hubiyo, Guddi xeeldheerayaal ahna loo saaro waa sax ahaanshaha in labada Boos ee Loto lambarkoodu yahay (30) (31) inay ka mid yihiin dhulkii Danta guud, kana tirsnaayeen Dugsigii Xamar Sare, xilliga dowladu la wareegtay iyo wixii lagu qaban jiray. Waxaa xog badan laga heli kara wixii ka jooga maamulkii Dugsigii Sare ee Xamar, macalimiintii iyo Ardaydi ka baxday ka hor 1990-kii.

Waxaa kaloo hubin u baahan sababta labadaan boos ee la isku heysto inay Dugsiga Sare ee Xamar ka mid ahaayeen iyo in kale aan muddo 50 sano ah loo iibsan, loo dhisin ilaa sanadkii 1968 oo ay taagan yihiin gacantii koowaad iyo dadkii ay kusoo baxay oo xilligan 2020 la iibinayo.

GUNAANAD

Muranka ka taagan dhulalka la isk heysto kuwa danta guud ee la boobayo, waxaa muhiim ah in la dhiso Gudi u gaara arrimaha dulka iyo dacwooyinkiisa iyo maxkamad gaara si loo kala badbaado, hantida dowladuna loo dabagalo, dadkuna ku kala nabad galaan, hadidi kale waxay noqon doontaa in Baraha bulshada lagu xaliyo karo dacwadaha madaniga iyo murannada dhulka.

WAXAA DIYAARIYAY GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

156,477FansLike
2,430FollowersFollow
5,835FollowersFollow
156,477FansLike
2,430FollowersFollow
5,835FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!