Maleeshiyada Alshabaab ayaa galabta afar nin ku daldallay degmada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubada Dhexe kadib markii ay ku soo eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen qaarkoodna falal kale ka wadeen degaankaasi.
Dadweyne badan ayaa la isugu keenay goobtii lagu toogay afartan nin oo magacyadooda ay kala yihiin:
- Cabdinuur Maxamed Cabdi (20 sano jir).
- Ciise Xuseen Axmed ( 50 sano jir)
- Faarax Cabdule Cali (63 sano jir)
- Maxamed Axmed Cali (20 jir).
Dilalka noocan ah ayaa caadi ka ah degaanada Alshabaab, iyadoo inta badan maxkamad degaameed ay xukun ku rido, lana sheego inay qirteen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]