Saturday, July 5, 2025

Alshabab oo baahiyey muuqaalka Amiirkooda & maleeshiyadii Weerartay Saldhigga Ballidoogle [Sawirro]

Alshabaab ayaa soo saartay muuqaal cusub oo ka hadlaya xaflad loo qabtay maleeshiyadii weerartay saldhigga Balidoogle ee cidamada Soomaliya iyo kuwa Mareykanka, iyadoo uu sagootinayo amiirkooda Abuu Cubeyda.

Muuqaalka oo socda 50 daqiiqo kaas ayaa isugu jira iidheh loo sameynayo Alshabaab iyo farriin uu dirayo Amiirka Alshabaab, waxaa markii ugu horeysay ka dhex muuqday amiirka Alshabaab Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) maleeshiyadiisa, iyadoo wejigiisa la qariyey, wuxuuna weerarku dhacay 30-kii Septembar 2019, iyadoo la sheegay in dhammaan maleeshiyadii Alshabaab lagu laayey weerarkaasi.

Amiirka Alshabaab ayaa farriimo u kala diray shacabka Mareykanka, dowladda Federaalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed, isagoo saldhigga Ballidoogle ku sheegay halak looga duulo muslimiinta ee saldhigga u ah diyaaradaha Drone ee lagu laayey hoggaamiyeyashooda.

Weerarkii Ballidoogle ayaa u muuqday inay Alshabaab u diyaariyeen qorshe weyn oo ay rajeynayeen inay guul ka gaaraan, kadibna farriintan uu soo saaro amiirkooda, laakiin arrintaasi aysan shaqeyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON