Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay afduubteen haweeney Qaadka ka ganacsata xilli gaari ay la socotay uu marayay inta u dhaxaysa degaanada Camaara iyo Ceelhuur ee degmada Xaradheere, Gobolka Mudug.
Gaariga ayaa Qaad u kala qaadayay labada tuulo waxaana dhexda u galay maleeshiyo Shabaab oo qabsaday gaarigii Qaadka waxay haweeneydii ganacsatada ahayd iyo darawalkii gaariga waday iyagoo aan la ogeyn meel ay la aadeen.
Haweeneyda ganacsatada ah ayaa la sheegay inay degaankaasi caan ka ahayd iyadoo wararku sheegayaan in Gaariga Qaadka siday laga sugayay degmada Hobyo, waxaana socda dadaalo ehelada haweeneydaasi ku doonayaan in lagu sii daayo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]