Tuesday, June 24, 2025

Alshabab oo la wareegay Degmada Ceelwaaq & Kenya oo heegan gelisay ciidamadeedaa

Kooxda Alshabaab ayaa muddo 24 saacadood gudahood ay ku qabsaday laba magaalo ku yaala Koonfurta Soomaaliya oo ay ugu danbeysay degmada Ceelwaaq.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa gelinkii danbe ee maanta weerar culus kula wareegay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubba markii dagaal culus ka dhacay.

Alshabaab ayaa dadka degaanka Ceelwaaq khudbad u jeediyay, kadibna waxay wadahadal la yeesheen odayaasha degaanka, iyadoo ilaa caawa gacanta ku haya degmada.

Qasaaraha dagaalka ka dhacay Ceelwaaq ayaan la shaacin, waxayna dadka degaanka sheegeen 4 qof ay ku dhinteen magaalada oo laba ka mid ay ahaayeen ciidamada dowladda, halka labada kale ay ahaayeen shacab ay rasaastu qabsatay.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhinaca Kenya, iyadoo Ceelwaaq ay tahay degmo saaran xuduudka Kenya, waxayna jid ay maraan u tahay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Kenya heegan la geliyay kadib markii Alshabaab la wareegeen Ceelwaaq, iyadoo xaalad kacsan ay ka jirto xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Alshabaab ee weerarka ku qaaday Ceelwaaq ayaa dadka degaanka sheegeen inay gaarayeen 200 maleeshiyo oo watay gaadiid dagaal fara badan, iyagoo laba jiho weerar uga qaaday Ceelwaaq.

Arrintan ayaa imaaneysa saacado ka dib markii Alshabaab ay la wareegeen degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya ee AMISOM.

Howlgal ay shaaciyeen dowladda Federaalka iyo AMISOM in lagu qaadayo kooxda Alshabaab ayaan weli la dhaqaajin, waxaana taas bedeleed ay Alshabaab xoojiyeen weeraradii ay ku qaadayeen degaanada ay heystaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON