Wednesday, June 25, 2025

Alshabab oo la wareegtay Jannaale & maamulka Gobolka Sh/hoose oo cambaareeyay AMISOM

Kooxda Alshabaab ayaa caawa dib ula wareegtay magaalada Jannaale ee Gobolka Sh/hoose kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii AMISOM ee halkaasi ku sugnaa.

janaale

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose C/fataax   Xaaji Cabdulle   ayaa si weyn u cambaareeyay falka ay ciidamada AMISOM uga baxeen Jannaale, isagoo sheegay inaysan soo wargelin ka bixitaankooda isagoo sheegay inay ku tahay ceeb iyo fool xumo inay isaga baxaan Jannaale.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu sheegay in Janaale ay tahay meel istiraatiijiyad weyn leh oo isku xirta degaano badan in si sahal ah looga baxo iyadoo naf iyo maal ku baxay dib u xoreynteeda, wuxuuna intaas ku daray inay dib isu abaabuli doonaan oo dib loogu noqon doono, isla markaana ay la xisaabtami doonaan AMISOM sida uu yiri.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON