Wednesday, June 25, 2025

Alshabab oo markii ugu horeysay lagu arkay dalka Rwanda [Xubno toogasho lagu dilay]

Booliska dalka Rwanda ayaa sheegay inay toogasho ku dileen saddex qof lagu tuhmay inay yihiin argagixiso, kuwaasoo lagu toogtay magaalada Bugarama ee ku taala Koonfur Galbeed ee dalkaasi.

Waxay sheegeen Booliska Rwanda in saddexda qof inta aysan dhiman ay qirteen inay la shaqeeyaan kooxda Alshabaab ee Soomaaliya saldhigeedu yahay.

Sidoo kale nin kale oo lagu tuhmay inuu yahay argagixiso ayaa lagu dilay Khamiistii magaalada caasimadda ah ee Kigali.

Waa markii ugu horeysay ee dalka Rwanda ay sheegto in koox Alshabaab ku xiran lag dilay dalkaasi ama ay ka howlgalaan, iyadoo dalkaasi aanu ka mid ahayn dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON