Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay inay dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Kenya ay qasaare laxaad leh u geysteen oo gaadiidkii dagaal oo ay wateen la gubay, dagaal ka dhacay duleedka degmada Afmadow.
Weerarka oo gaadmo ahaa ayay sheegtay Alshabaab in lala beegsaday ciidamo Kenyaati ah oo ka baxay degaanka Qooqaani, waxaana ciidamada Kenya dagaalka ku qabsadayagagaarka Tuulada Xayo oo kala qeybisa Qooqaani iyo Afmadoow.
Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarkaasi ku dhisay 12 askari oo Kenyaati, isla markaana ay nolol ku qabteen laba askari Kenyan ah oo maxaabiis ahaan ugu gacan galay.
Waxay kaloo Alshabaab sheegtay inay gubeen lix kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidanka Kenya wateen, waxaana markii danbe halkaas weerar ku qaaday diyaarad dagaal oo Kenya ay leedahay, waxayna Alshabaab sidoo kale sheegatay inay waxyeelo gaarsiiyeen diyaarad dagaal oo Kenya leedahay, markii ay ku rideen qoryaha lidka diyaaradaha.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Kenya kuna saabsan dagaalka maanta ka dhacay duleedka Afmadow, waxayna haddii ay dhab noqoto kasii dari doontaa xaaladda ciidamada Kenya oo horeba qasaare weyn uga soo gaaray weerarkii Ceelcade.
Goobjooge.com