Alshabaab ayaa War kasoo saartay dilka mas’uul ka tirsanaa Maamulka Wajeer ee Waqooyi Bari, Kenya oo degaan hoos taga Wajeer ay ka qafaasheen.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in xukun dil ah lagu fuliyay mas’uul lagu magacaabo Cumar Aadan Buul oo ahaa guddoomiyaha deegaanka Gummareey oo Alshabaab ay ku qafaalatay weerar ay ku qaadeen Jimcihii ku Wajeer.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Booliska Kenya ay shaaciyeen in madaxa Ninkan laga helay jid dhex mara maamulka Wajeer, iyadoo jirka intiisa kale la waayey, taasoo lagu micneeyay in la gowracay, kadibna madaxiisa halkaasi la geeyay.
