Wednesday, June 25, 2025

Alshabab oo weerar culus ku qaaday degaan ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowlada & Faahfaahin..

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay xalay weerar xoog leh ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Sabiid ee duleedka Afgooye, Shabeellada hoose.

Dagaalka oo muddo daqiiqado ah socday ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana weerarku ka dhacay fariisamo ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin degaankaasi oo dhowaan ay qabsadeen markii ay isaga baxeen maleeshiyada Alsahbaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab oo kedis ahaa, ayna gaarsiiyeen qasaare kala duwan, laman sheegin qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo hubka la isku adeegsaday laga maqlay degmada Afgooye.

Alshabaab ayaa sheegatay inay saddex jiho oo madaafiic ah lagu furay lagu qaaday degaanka Sabiid kadibna weerar fool ka fool ah uu halkaasi ka dhacay iyadoo Alshabaab ay la wareegeen saldhiggii ciidamada dowladda ee u dhow Buundada Sabiid.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON