Tuesday, June 24, 2025

Alshabab oo weerar ku burburisay xaruntii Shirkadda Safaricom ee tuulo ka tirsan maamulka Gaarisa

Wararka laga helayo Gobolka Waqoyi Bari Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shaabab ay xalay saqdii dhexe kadib weerar ku qaadeen tuulada Galma-Gala oo ka tirsan dagamada Faafi maamulka Gaarisa.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa la sheegay in kooxda AlShabaab ay ku burburisay dhismaha shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee ku yaalla tuulada Galma-Gala oo magaalada Gaarisa u jirta 100 KM.

Xarunta shirkadda Safari ayaa la sheegay inay alshabaab qarxiyeen, kadibna ay dab qabadsiiyeen xaruntasi, iyadoo dad badan ay waayeen isgaarsiintii ay iskula xiriiri jireen.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya ka sameeyaan falal noocan oo kale ah, iyagoo burburiyey xarumaha shirkadaha isgaarsinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON