Kooxda Alshabaab oo dagaalo ba’an ay ku qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada federaalka goboladda Gedo, Baay, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa weeraro rogaal celin ku bilowday ciidamada AMISOM kadib markii ay xalay weeraro kala duwan ku qaaday magaalooyinka Beledweyne iyo Diinsoor.
Diinsoor ayaa la sheegay inay Alshabaab weerar ku soo qaadeen gudaha degmadaasi. Weerarka oo dhuumaaleysi ahaa ayaan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay, laakiin guddoomiyaha Diinsoor Ibraahim Shigshigow ayaa sheegay inay 10 dagaalyahan ka dileen Alshabaab .
Dhinaca kale Al-shabaab waxay xalay weerar kale oo xoog ku qaaday saldhiga dhexe ee Magaalada Baledweyne. Dagaalka oo muddo socday ayaa hub culus la isku weydaarsaday waxaana magaalada laga maqlayay rasaas culus. Maxamed Nuur Cadaay o ka mida saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay iska Difaaceen islamarkaana ay ku jabiyeen Al-shabaab. Wuxuuna sheegay inay dileen dhowr ka mida kuwii weerarka soo qaaday.
Kooxda Alshabaab oo dhowaanahan dib u dhac ku socotay ayaa hadda u muuqata inay soo rogaal celisay oo weeraro gaadmo ah ay bilowday inay ku qaado magaalooyinka ay joogaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]