Friday, June 27, 2025

Amar cusub oo lagu soo rogay Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Hay’adaha ka howlgala magaalada Muqdisho

Amarro cusub ayaa laga soo saara ammaanka magaalada Muqdisho, kuwaasoo daba socda amarkii ciidamada milateriga looga saarayo caasimadda.

Amarka cusub ayaa cusub ayaa Taliyaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ku sheegay in ciidamada u shaqeeya hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay laga mamnuucay inay xirtaan dareyska ciidanka milateriga.

Taliyaha ciidamada Xoogga ayaa hore u amray  in gaadiidka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aan lagu dhex arki karin magaalada, iyagoo aan howlo shaqo ah ku jirin, waxaana uu taliyeyaasha ciidanka Xoogga uga digay in gaadiidka iyo ciidamadooda ay la soo galaan magaalada.

Amarka taliyaha Ciidanka Xoogga ee ku saabsan ilaalada gaarka ah ee la hay’adaha aysan xiran dareeska ciidanka dowladda ayaa ka mida amarro is daba joog ah oo ammaanka Muqdisho laga soo saaray saacadihii ugu danbeeyay.

Muqdisho waxaa ka howlgala ciidamo boqolaal ah oo ay leeyihiin shirkado ammaan oo gaar loo leeyahay kuwaasoo ilaaliya Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON