Amar ayaa caawa kasoo baxay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Amarkan ayaa ku saabsan maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ku beegan sanadguurada SYL.
“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shaqaalaha Dowladda fasaxay maalinta berri ee 15ka May 2017 si loo weyneeyo halgankii 13kii dhalinyarada SYL, isla markaasna dhalinyarada loogu dhiirigeliyo inay dib-u-dhiska dalkooda ka qeybqaataan..” ayaa lagu yiri war uu faafiyay caawa wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow.
Muqidsho ayaa si weyn looga diyaar garoobay maalinta 15-ka May, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda dhalinyarrada iyo isboortiga ay iska kaashanayaan xuska maalintan.
Goobjooge.com