Kadib geeridii Amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabah Al-axmed Aljabir Alsabax waxaa lagu dhawaaqay in Amiirka cusub ee dalkaasi la dhaariye maanta oo Arbaco ah dhaxal-sugihii dalkaasi Nawaaf Alaxmed Aljaabir Alsabaax.
Golaha wasiirada dalka Kuwait ayaa caawa ku dhawaaqay Amiirka cusub, wuxuuna la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi oo ku dhwaaqay in Berri lagu hor dhaarin doonaa Golaha Umadda ee dalka Kuwait, sida uu dhigayo Dastuurka dalkaasi markii fadhi gaara uu yeesho.
Amiirka cusub ee Nawaaf Alaxmned wuxuu dhashay sanadkii 1937, waana 83 sano jir la sheegay inuu caafimaadkiisa wanaagan yahay, wuxuu la dhashay Amiirka geeriyooday, inkastoo aysan isku hooyo ahayn, waana wiilka lixaad ee uu dhalay amiirkii tobnaad ee dalka Kuwait Sheekh Jaabir Al-axmed As-sabaax oo dalkaaasi soo xukumay intii u dhaxeysay 1920 ilaa 1950.

Amiir Nawaaf wuxuu xilka dhaxal-sugaha qabtay sanadkii 2006 laba todobaad kadib markii uu Amiir noqday Amiirka maanta geeriyooday ee Sheekh Sabaax Alaxmed, isagoo xilkaasi hayey muddo 14 sano ah. Wuxuu hore u soo qabtay oo ay ka mid yihiin:
1978: wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha gudaha
1988: waxaa loo magacaabay Wasiirka Difaaca
1991: Markii Kuwait laga xoreeyay Ciraaq waxaa loo dhiibay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada
1994: Wxuuu nqoday Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada Qaranka
2003: Wuxuu mar kale qabtay xilka Wasiirka Arrimaha gudaha
2006: Waxaa laga dhigay Dhaxal-sugaha Amiirka Kuwait.
Amiirka cusub ee dalka Kuwait wuxuu wax ku bartay gudaha dalkiisa, waana Aabe dhalay afar Wiil iyo Gabar.
Amiir Nawaaf wuxuu la wareegay qaar ka mida awoodaha Amiirkii geeriyooday markii uu caafimaadkiisa xumaaday ee loo qaaday dalka Mareykanka, waxaana Berri lagu hor dhaarin doonaa Golaha umadda dalkaasi.
Arrimaha ugu adag ee laga sugayo inuu maareeyo waxaa ugu horeeyay xaaladda Khaliijka iyadoo Amiirkii geeriyooday uu ku caan baxay dhexdhexaadnimo iyo siyaasad degan, isagoo diiday inuu ku biiro dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xayiraad ku soo rogay dalka yar ee Qatar, sidoo akle wuxuuna si weyn uga horjeeday xiriir lala sameysto Israa’iil.
GOOBJOOGE