Tuesday, June 24, 2025

Amiirka Dalka Qatar iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Sacuudiga (Sawirro)

Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad Althani ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Culla ee dalka Sacuudiga, iyadoo socdaalkaasi uu yahay markii ugu horeysay 3 sano oo uu dalkaasi tago.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo xalay la shaaciyey heshiis ay gaareen dalalka Sacuudiga iyo Qatar oo ay isu fureen xuduudka Dhulka, Badda iyo Cirka ee labadaasi dal. Amiirka Qatar ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Khaliijka ee ka dhacaya Sacuudiga.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Callaa kusoo dhoweeyay Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad, waxaana la arkayey iyagoo is-marxabeysiinaya oo salaan iyo wada sheekeysi dhex marago.

Shir Madaxeedka Khaliijka ayaa lagu wadaa in lagu dhammeeyo khilaafka ka dhaxeeyay dalalka Qatar oo dhinaca ah iyo Sacuudiga oo ay wehliyaan Imaaraadka, Bahrain iyo Masar, waxaana shirka ka maan Madaxda sare ee dalalka Imaaraadka iyo Bahrain.

Diyaaradda siday Amiirka Qatar ayaa ahayd tii ugu horeysay ee tagta Sacuudiga, iyadoo ka tagtay dalka Qatar, wixii ka dambeeyay June 2017 oo dalal uu Sacuudiga hoggaaminayo xiriirka u jareen dalka Qatar, ayna ka go’doomiyeen Xuduudaha Dhulka, Badda iyo Cirka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON