Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani oo ayaa saxiixay, isla markaana asnixiyey labo heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.
Heshiiska Koowaad uu saxiixay Amiirka Qatar ayaa ku saabsan Adeega Duulimaadka waxaana Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Qatar ay Magaalada Doha ku galeen 18/3/2015.
Halka Heshiiska Labaad ayaa isna ah Iskaashi dhinaca Caafimaadka oo labada Dowladdood ee Soomaaliya iyo Qatar ay isku afgarteen 14/5/2018, xilli uu dalkaasi booqday wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya.
Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa hore u ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta.
Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso fulinta Mashruucyo ay ku kaceyso lacag dhan 200 Milyan oo doollar, waxaana ugu waaweyn dhismaha waddooyinka Muqdisho- Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar.