Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad Al-thani ayaa socdaal aan hore loo shaacin maanta ku tegay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.
Socdaalka Amiirka Qatar ayaa imaanaya iyadoo xiisad aad u kacsan ay u dhaxeyso dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo ku sigtay inay dagaal milateri isaga hor yimaadaan, kadib dilkii ciidamada Mareykanka ee taliyihii ciidamada Qudus ee dalka Iiraan Gen. Qasim Suleimani.
Amiirka Qatar ayaa la sheegay inuu kulan la yeelan doono Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo xaaladda Bariga Dhexe, waxaana wararka qaar sheegayaan in Qatar ay dhexdhexaadin ka dhex wado Mareykanka iyo Iran.
Hore waxaa magaalada Tehran u booqday Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar, waxayna dowladda Qatar saaxiib la tahay Iran oo taageero siisay markii ay go’doomiyeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.