Friday, July 4, 2025

Amiirka dowladda Qatar oo ku dhawaaqay inuu 15 Bilyan Doolar ku maalgelinayo dhaqaalaha Turkiga

Amiirka dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan 15 Bilyan oo Doolar uu dalkiisu ku maalgelinayo dalka Turkiga oo xaalado dhaqaale oo adag maraya kadib cunaqabteyn dhaqaale oo uga timid Mareykanka.

Amiirka Qatar Tamiim Bin Hamad Althani  oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan l qaatay madaxweynaha Turkiga Erdogan, waxaana la sheegay in lacagta dhan 15-ka Bilyan ee doolar si toos ah loogu maalgelinayo mashaariic kala duwan iyo Bankiga Dhexe ee Turkiga.

Tallaabadan ayaa timid xilli xasaasi ah oo Turkigu wajahayo cadaadis uga imaanaya dalka Mareykanka, waxaana arrintan loo arkaa in dowladda Qatar ay u abaal gudeyso Turkiga oo la saftay markii ay go’doomiyeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, ayna ku sigatay inay weerar ku soo qaadaan, waxaana dowladda Turkiga ay u gurmatay dalka Qatar iyadoo u dirtay ciidamo gaaraya 5000 askari.

Qatar iyo Turkiga ayaa saaxiibo dhow ah, laakiin waxaa Turkiga ay isk u dhaceen Mareykanka oo saaxiib kale la ahaa labada dal, waxayna arrintan ka mid tahay xiisadda uu dunida ka abuuray Madaxweyne Donald Trump.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON