Friday, April 19, 2024

Qaar ka mida Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Hoose ee Muqdisho oo shaqadii looga joojiyey Musuqmaasuq

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaqadii kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidamada laalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyada) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

Arrintan ayaa timid kadib soo jeedinta Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka waraaqda shaqo joojinta saraakiishan, isagoo ka codsaday in baaritaan furan lagu sameeyo eedaymaha loo soo jeediyey saraakiishan oo ay ka mid tahay in ay lacago sharci darro ah ka qaateen qaar ka mid ah bulshada Gobolka Banaadir.

Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyey ayaa kala ah: Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, iyadoo Maamulka Gobolka ay u xilsaareen shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey ku-xigeennadooda.

Ad

Shaqo joojinta saraakiisha dowladda ee kala duwan, kuwaasoo loo geysto Musuq ayaa sii kordahaya, iyado maamulka G/Banaadir uu dhinaciisa ku soo biiray ololaha aan la ogeyn halka uu gaari doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON