Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad Althani ayaa tacsi usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Sida ay shaacisay Wakaalada wararka Dalka Qatar Amiirka dalkaasi Tamiim Bin Hamad ayaa tacsi gaarsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo uga tacsiyadeedyay geerida ku timid Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday magaalada London.
Amiirka Qatar wuxuu Alle uga baryey marxuum Nuur Cadde inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iiimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa tacsi taas la mida madaxweynaha Soomaaliya usoo diray Amiir ku xigeenka Dalka iyo Qatar iyo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi.