Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada maleeshiyada degaanka ayaa maanta dib ula wareegay degaanka Jannaale ee Shabelle hoose, halkaas oo ay horay gacanta ugu sugnaayeen kooxda Alshabaab oo qabsatay kadib markii ay weerar culus oo qasaare ba’an dhaliyay ku qaaday September 2015.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaal socday muddo oo saaka dhex maray labada dhinac ay Alshabaab isaga baxeen degaankaasi, kadibna ay la wareegeen ciidamada wada socd ee kuwa degaanka iyo AMISOM.
Xaaladda magaalada ayaa ah mid kacsan iyadoo dadkii ka barakaceen, waxaana hadda socda is meeleynta ciidamada qabsaday magaalada oo aan la ogeyn ina sii joogi doonaan iyo inay dib uga laaban doonaan.
Goobjooge.com